Maxaa kajira in Mareykanka uu Ciidamo u soo dirayo Soomaaliya?

Wasiirka Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in Maraykanku uu haatan ka amni badan yahay sida uu ahaa 20 sano ka hor, markii ay dhaceen weerarradii argagixiso ee September 11, 2001-dii kuwaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3000 kun oo qof.

Lloyd Austin ayaa wareysi uu siiyay VOA sidoo kale wax laga weydiiyay howlagallada argagixiso la dirirka ee Maraykanku uu ka wado dunida, iyo in Maraykanku uu mar kale ciidamo u dirayo Soomaaliya iyo in kale.

Waxaa wax laga weeydiiyay inay Ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya iyo in kale, waxaana uu sheegay in uusan xilligaan doonin in uu shaaciyo Ciidamo ay u soo dirayaan Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka joogay Mareykanka Ciidamo iyo Saraakiil, kuwaas oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ka taageerayay la dagaalanka Al-Shabaab, hayeeshee uu la baxay