Maxaa looga hadlay Shirka golaha Wasiirada Galmudug?\

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay kulan gaar oo ay soo xaadireen golaha wasiiradda Galmudug.

shirkan ayaa waxa madaxweynaha ku wehliyay Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Dahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixayay safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan gaareen madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ay Galmudug ka ciyaartay door muhiim ah.

Madaxweynaha ayaa gunaanadkii shirka golaha kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaalla Xukuumadda iyo fullinta qorsheyaasha hortabinta leh ee u degsan Dowladda Galmudug.

Xafiiska Wararkajowhar.

Info@aragticusub.com