Mid ka mid ah Ilaalada Gudoomiye ku xigeenka Kaaran oo la toogtay.

Askari ka tisanaa Ilaalada Gudoomiye ku xigeenka Degmada Kaaran ayaa xalay lagu dilay demada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Xiligi la dilayay askarigan ayaa la sheegay in uu saarnaa Booto Bajaaj isla markaana ka shakiyeen askar ku sugneed agagaarka iskuul Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askariga uusan wadan wax darees ah isla markana ku hubeysnaa Qoriga AK47.

Ma jiraan war ka soo baxay Gudoomiye ku xigeenka degmada Kaaraan sowdo oo ay kaga hadashay dilka loo geystay mid ka mid ah Ilaaladeeda.

Xafiiska Wararka,Muqsdisho.