Musharixiinta u Tartameysa Xilka madaxweynaha Soomaaliya oo Maalintii labaad uu shir uga socdao Muqdisho

maalintii labaad ayaa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ka soconaya shirka Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka kaas o la shalay la Furay
Musharixiinta shirka ka qeybgalaya ayaa muujiyay walaaca dhinaca doorashada ah iyo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay damacsan tahay ku shubato codadka , waana tan keentay qabsoomida shirkan oo la filayo in la soo gabagabeeyo maalinta berri ah.
Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya kana mid ah mushariixinta ku shirsan Muqdisho oo maalintii shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jirto khadar ku soo wajahan sida uu hadalka u dhigay Dimuquraadiyada curdanka ah ee Soomaaliya, sidaa daraadeed ay waajib ku tahay in ay ka hortagaan.
Dhinaca Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin shirarka Muqdisho uga soconaya siyaasiyiinta mucaaradka oo culeys iyo cadaadis siyaasadeed ku saaraya in ay ka laabato guddiyada ay u saartay doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com