Muungaab oo farriin u direy Madaxweynaha Cusub ee Galmudug

Muqdisho: Guddoomiyihii hore ee Gobolkaan Banaadir ahna hoggaamiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) aya taageeray doorashada maanta ka dhacdey Magaalada dhuusamareeb,isla markaana uu u hambalyeeyey Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Qoraal uu soo saarey muungaab ayuu ku amaaney Shacabka galmudug sida Nabadgelyada ah ay maanta qabsadeen doorashada,waxaana uu soo saarey baaq ka kooban Saddex qoodb oo ku wajahan Shacabka iyo Saamileyda Galmudug.

Hoos Ka Akhriso Qoraal uu soo saarey Guddoomiyihii hore ee Gobolkaan Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo kan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) oo Baarlamaanka Galmudug ay xilkaa u doorteen maanta 2da febraayo 2020. Waxaan u rajaynayaa inuu xilka culus ee loo doortay Alle ku guuleeyo.

Waxaan sidoo kale Shacabka Galmudug ku ammaanayaa sida nabadgelyada ah ee ay u qabsadeen markii 3,aad doorashadda Madaxweynaha Maamulkooda.

Waxaan Madaxweynaha la doortay kula dardaarmayaa:

1) Inuu ka dhabeeyo balanqaadyadiisi una horseedo Galmudug horumar dhinac kasta leh.

2) Inuu ka shaqeeyo lana yimaado qorsho cad oo dib u heshiisiin dhab ah looga hergelinayo Galmudug si looga Baxo is-jiid jiidka ragaadiyay Shacabka Galmudug.

3) Inuu Galmudug ku hago sidii ay doorkeeda uga qaadan lahayd taabogelinta Dowlad Soomaaliyeed Federaal Dimoqraadi ah oo ku dhisan hannaanka Xisbiyada badan iyo Doorasho hal qof iyo hal cod ah oo Dalka ka dhacda 2020-2021ka.

Ugu dambeyn, waxaan Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ugu baaqayaa in ay garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Galmudug iyo Maamulkiisa si ay u gutaan howlaha maamul ee hor yaala, shacabka Galmudug na u helaan waxqabadka ay sugayaan.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com