Odayaasha Galmudug oo bilaabay inay soo xulaan Xildhibaanada cusub

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabaya soo xulista Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah Wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in odayaashan la xareeyay islamarkaana laga sugayo in ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaanadda cusub ee ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

SHARE Facebook Twitter