puntlad oo ka soo horjeesatay Xeerarka loo gudbiyay Golaha shacabka

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Maamulka Puntland, ayay kaga digtay in shuruucda dalka lagu salleeyo damaca iyo rabitaanka gaar ah ee Madaxda Dowladda Federaalka, taas oo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka, islamarkaana abeen abuur lagu samaynayo Xeerarka iyo Shuruucda Waddanka.

War-saxaafadeedka Puntland, ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Go’aannada ay gaareen Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka ee la xiriira arrimaha Doorashada iyo Qaybsiga Khayraadka aysan Puntland qayb ka noqon doonin dhaqan gelintooda.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay ka go’an tahay qaadashada go’aan kasta oo u ogolaanaya Dastuurkeeda, kaas oo ku xusnaa go’aanadii ka soo baxay shirkii Wadatashiga Puntland ee ka dhacay Garowe 15-17 bishii Maarso 2020, haddii ay adkaato xal u helist arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wadatashigooda loo balansan yahay, isla markaana ay ka waantoobi waayaan madaxda dowladda Federaalka maroorsiga.

      Hoos ka Akhriso warsaxaafadeedka