Puntland oo sheegtay inay diyaarado kula dagaalameyso Ayaxa

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deeganka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada maamulka Puntland C/rashiid Cali Geelle ayaa sheegay in dhawaan ay wasaaradiisu bilaabeyso olole cirka iyo dhulkaba looga buufinaayo ayaxa ku habsaday deegaannada iyo degmooyinka kala duwan ee maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay ayaxa u adegsan doonaan buufintiisa diyaarado joog hoose ku duulaya waxa uuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dadka arintaan ka shaqeynaya .

Waxa uu tilmaamay in aysan waxyeelo gaarsiineen sunta ayaxa lagu buufinaayo shacabka iyo xoolaha ,waxa uuna shacabka ugu baaqay in aysan dhib u arkin oo ay beegsanayaan ayaxa goobaha uu ku habsaday .

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in arintaan ay iska kaashanayaan dowladda dhaxe ee Soomaaliya , hay’adda FOA  iyo maamulka Puntland .

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com