Qarax Ka Dhacay Banaanka Hore ee Hotel Sabaax

Caawa fiidkii ayaa la maqlay qarax xooggan oo ka dhacay banaanka hore ee Hotel Sabaax. Qaraxan ayaa sababay khasaare nafeed oo gaaray hal qof.

Qofka geeriyooday ayaa ahaa dareewalka xildhibaan Cabdirahman Saciid Faarax, kaas oo lagu magacaabi jiray Faysal Aadan Faarax. Alle ha u naxariisto marxuumka, samir iyo iimaan ha ka siiyo ehelkiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa miino gaariga lagu xiray si loola beegsado xildhibaanka oo gaariga ka degay qadar yar ka hor.

Laamaha ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa, waxayna bilaabeen baaritaanno lagu xaqiijinayo xaaladda guud ee ammaanka iyo in la helo xog dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan. Waxaa sidoo kale la adkeeyay ammaanka agagaarka Hotel Sabaax iyo waddooyinka ku dhow.