Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya degaanka Sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya Gudoomiyihii Degmada Xamar Jabab, Maxamed Cabdi Axmed (Xayle) ay xalay Halsaasi  ku dileen kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday  xilli uu sii ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaalla deegaanka Sarkuuste oo ka tirsan Garasbaaley.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa, isla-markaana watay mooto bajaaj ay dileen Gudoomiyaha.

Maxamed Cabdi Axmed, ayaa xilka Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab loo magacaabay 5-tii bishii September ee sanadkii 2020.

Marxuumka Xilliga la dilayay ma wadan wax ilaalo ah oo isga la socday.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com