Qarax lala eegtay askar Kenyan ah & khasaaro ka dhashay

Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaa lavula eegtay meelo kamid ah xadka u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya, iuada oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayaan.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa kolonyo ay wateen Ciidamada Kenya waxaa lagula eegtay xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Shangani iyo Kaambooni ee xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Kenya kuwo kalena ay ku dbaawacmeen, waxaana qaraxa kadib Ciidamada Kenya ay fureen rasaas farabadan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya ay iska sii wateen socdaalkooda, sidoo kalena ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen inta u dhaxaysa deegaannada Shangani iyo Kaambooni.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa degaano kuyaal xadka Soomaaliya iyo Kenya iyo Gobolka Waqooyi Bari waxaa ku batay qaraxyada lala beegsanayo Ciidamada Kenya, waxaana mas’uuliyadda qaraxyadaas sheegtay Ururka Al-Shabaab.