QM oo ka hadashay Tallaabo ay qaadey Dowladda Soomaaliya

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay in la soo dhaweynayo hanaanka dowladda Soomaaliya ay ku ogolaatay heshiiska Midowga afrika ee ilaalinta Barakacayaasha,kaas oo loo bixiyey heshiiskii Kampala.

Qoraalka hay’adda UNHCR ayaa waxaa lagu sheegay in dad gaaraya 2.6 Milyan oo qof oo isugu jira rag iyo dumar ay Somaaliya uga barakaceen dagaalada ka jira iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale QM ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya ka caawiso hirgelinta heshiiska Kampala ee ilaalinta Barakacayaasha iyo Qaxootiga.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Hay’adda Qaxootiga aduunka ee UNHCR

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com