Qof lala xiriiriyay Coronavirus oo ku geeriyooday Somaliland (SAWIRRO)

Waxaa gelinkii dambe ee Khamiistii Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal lagu aasay qof, kaasoo si dhow loola xiriiriyay cudursidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Qofka geeriyooday oo nin dhalinyaro ahaa ayaa maalmihii ugu dambeysay ku xanuunsanaa Magaalada Boorama, iyadoona uu xaalad karantiil ah ku jiray.

Marxuumka oo dheecaankiisa dibadda loo diray ayaa geeriyooday, ka hor inta aynaan soo bixin jawaabta ku aadan in uu xanuunka qabay iyo in kale, balse waxaa loo badinaya in uu xanuunkaasi la ildarnaa.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in qaabka loo aasay uu ka duwan yahay, sida caadiga ah ee dadka loo aaso, marka ay geeriyoodaan.

Meydka marxuumka ayaa waxaa aasay Shaqaale Waaxda Caafimaadka ka tirsan, kuwaa oo loo diyaariyay inay aasaan dadka deegaanada Somaliland ugu geeriyooda xanuunka Coronavirus.

Goobta uu aasku ka dhacay waxaa ku sugnaa ehelada marxuumka, kuwaa oo lagu wargeliyay inay iilka dhawr talaabo u jirsadaan, si ay u xaqiiqsadaan uun in la aasay qofkii ay jeclaayeen.

Haddii jawaabta maqan la soo xaqiijiyo in marxuumka uu qabay Coronavirus ayaa waxa uu noqonaya, qofkii ugu horeeyay oo Somaliland ugu geeriyooda xanuunkaasi.