Ra’iisal wasaare Rooble oo la kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’aadminimada

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’aadminimada Predrag Avramovic oo ay ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub iyo kaalintooda ku aaddan gurmadka dadka soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in ay kordhiyaan taageeradooda Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladda bani’aadminimo ee ka dhalatay abaarta adag ee ka taagan Soomaaliya.