Rooble oo ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah.

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah, kadib abaaro daran oo ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

“Kadib markii aan dhageystay warbixinta ay soo diyaariyeen guddiga aan u magacaabay xaaladda abaaraha ee dalka taas oo muujisay in dalku ku sugan yahay xaalad adag, oo ay keeneen abaaruhu, waxaan ku dhawaaqayaa in dalku galay xaalad degdeg ah oo  bani’adanimo”, ayuu yiri RW Rooble.

Wuxuu guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan caawinaadda dadka reer miyiga ah ee abaarhu halakeeyeen, kuwaas oo u baahan gar-gaar degdeg ah.

In ka badan 60% dadka abaaruhu saameeyeen oo gaaraya 5.9 malyan oo ruux ayaa hadda u baahan gargaar degdeg ah, halka la saadaalinaayo in tirada dadka cunto yaridu iyo biyo la’aanta ku habsatay ay gaarto 7.7 milyan sanadka 2022.

Ku dhawaad ​​100,000 oo qof ayaa ka barakacay guryahoodii, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka, kuwaas abaaraha daran halakeeyeen xoolahoodii, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladdu si taagnaato ilaa Abriil 2022.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta dalalka ay sida taban u saameysay isbeddelka cimillada, waxaana tan iyo 1990-kii soo maray dalka in ka badan 30 khataro la xiriira cimillada, oo ay ku jiraan 12 abaaro iyo 19 daadad.

Gobollada Jubbaayinka ayaa ugu daran dalka, halkaas oo todobadii bilood ee na-weydaartay ay ka taagneyd xaalad bini’aadannimo oo aad u daran.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com