Rooble oo shaaciyey cidda uu kala xisaabtamayo kuraasta laba aqal ee Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo uu joogay Kismaayo kadib Maanta u ambabaxay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo halkaas oo ay taalo qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka sagootiyey garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kula dardaarmay inuu guto waajibka ka saaran doorashada kuraasta labada Aqal ee taalo Jubbaland.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa sheegay inuu Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiye Axmed Madoobe kala xisaabtami doono doorashada kuraasta taalo Kismaayo iyo Garbaharey.

“Jubbaland waxa aan kala xisaabtamayaa Doorashooyinka Kismaayo & Garbahaarey, Madaxweyne waa in aad gudataa mas’uuliyadda kaa saaran doorashada labadaas Degmo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka ambabaxin magaalada Kismaayo waxaa uu kormeeray goobta magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo doorashada labada Aqal, isaga oo kulan dardaaran ahaa la qaatay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Rooble ayaa tilmaamay in safarkiisa Kismaayo uu soo gaba-gabeeyay, qorshaha labaad waa Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo si uu ula kulmo qaybaha kala duwan ee Maamulka & Bulshada Magaaladaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo hadlay ayaa sheegay in dhamaan uu booqan doono xarumaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka, sida: Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo, Jowhar iyo Beledweyne

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com