Saraakiil ka tirsan dowladda oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.
Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kan Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay siiso ee la xiriira tababarida Ciidamada iyo siinta Hubka iyo Gaadiidka ay ku howlgallaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladdaha taageerada Millateri siiya Soomaaliya, waxaana sanad walba ay tababar siisaa Ciidamo iyo Saraakiil, sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya siiso hub iyo Gaadiid ay ku howlgallayaan Ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.