25.5 C
Mogadishu
Saturday, July 27, 2024
Home Wararka Afrika SAWIRRO: Madaxweynaha Galmudug oo duleedka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Xaaf

SAWIRRO: Madaxweynaha Galmudug oo duleedka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Xaaf

 Madaxweynaha DGGM Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa Duleedka Godinlabe ku soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wefdiga ayaa loo galbiyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Labada madaxweyne ayaa kulmo qaadan doono sacadaha soo socdo.

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ayaa ku hawlanaa muddooyinkii dambe sidii wada hadal ay uga dhex furi lahaayeen Madaxweynihii hore ee Galmudug & Madaxweynaha hadda jooga.

Xiisada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa hadda u muuqata mid hoos u sii dhaceysa, maadaama is arag uu dhex maray Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ah Madaxweynaha Galmudug & Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com