Shabaab oo Degmada Ceelbuur ku qisaasay wiil dhalinyaro ahaa

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaallo Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, waxa ay ku toogteen nin dhalinyaro ahaa, kadib markii maxkamadda Shabaab xukun ay ku riday.

Fagaaraha Degmada Ceelbuur ayaa shalay galab la isugu yeeray Boqolaal ka mid shacabka Degmada Ceelbuur, waxaana halkaasi lagu toogtay wiilka dhalinyarada ahaa.

Max’med Jiinoow Jimcaale ayaa Maxkamadda Shabaab waxa ay sheegtay bishii ramadaan ee lasoo dhaafay gudaha degmada Ceelbuur inuu ku dilay nin la oran jiray Cabdullaahi Daahir Cali.

Sida Maxkamadda Shabaab ay sheegtay ehelada Marxuumka dhintay ayaa dalbaday in loo qisaaso eedeysanaha dilay wiilkooda, waxaana ugu dambeyn lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

Deeganada Shabaab ay ka Maamulaan Gobolada dalka Somaliya ayaa waxaa ka dhaca xukunada qisaasta ah ee Maxkamadaha Shabaab ay fuliyaan, iyadoo qofka eedeysanaha aanan fursad loo siin inuu isdifaaco ama qareen difaaca aanan loo qaban.

Xafiiska Wararka,Muqdisho

Info@aragticusub.com