Shabaab oo magacaabay guddi la socda xaaladaha Coronavirus

Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay guddi u xil saaray xaaladaha Coronavirus, xilli kiisaska Coronavirus ee dalka laga diiwaangelinayo isa soo tarayan.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda iyo Gobolada Al Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban toddobo xubnood, kuwaa oo isugu jira Masuuliyiin, Culimo iyo Waxgarad.

Bayaanka waxaa lagu yiri “Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee ku soo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Corona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacaladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay Bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin.”

Dadka qaarkii ayaa durbaba bayaankan ku macneeyay mid ka tarjumaya sida Ururka Al Shabaab, uu dareen xoog lihi uga muujiyay faafitaanka xanuunkani saf mareenka ah.

Bayaanka Shabaabka waxa uu u qornaa sidatan:-

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com