Sheekh Shariif” Waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdaa”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ku celiyay inay muhiim tahay in doorashada waqtigeeda ku dhacdao, isla markaana noqotaa mid leysla ogol yahay.

Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyey xeritaanka Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la qabto doorasho wada ogol ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Waxaa uu sheegay in dhameystirka Dastuurka qabyada ah uu horseedi karo qabashada doorasho qof iyo Cod ah, isaga oo sidoo kale ka digay in la musuq maasuqo dhaqaalaha dalka.

Inta badan Madaxda ka qeyb-gashay Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa waxaa ay ku celceliyeen inay muhiim tahay in laga wada heshiiyo doorashada uu muranka ka taagan yahay si ay u dhacdo mid la isku raacsan yahay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com