Shirka Golaha Wasiirada Hirshabelle oo lagu qabtay magaalada Beledweyne{AKHRISO}

Shirka golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Beledweyne iyadoo uu kulankaasi uu shir guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar.

Kulankaan Golaha Wasiirada oo Kusimaha Madaxweynaha shir gudoominayay waxaa ka qeybgalay oo warbixinta xaaladaha Gobolka looga dhageystay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale kulanka Golaha Waxaa looga hadlay

1. Arrimaha Amniga iyo xasilinta nabadgelyada Deegaanada Hirshabeelle.

2. Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Hirshabeelle sida ka hortaga fatahaadaha iyo Mashaariicyada kale ee soo socda sidii loo maareyn lahaa oo qorshe mideysan looga yeelan lahaa.

3. Siyaasadda guud ee Hirshabeelle iyo diyaar garoowga Arrimaha Doorashooyinka ee fooda nagu soo haayo ee heer federaal.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa kulanka Golaha Wasiirada warbixin uga dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Golaha uga warbixiyay xaaladaha Amniga ee Hirshabeelle.

Kahor kulankan ayaa waxaa waaberigii saaka magaalada Beledweyne laga maqalay rasaas xoog leh kadib markii ay xaafado ka mid ah magaalada ay soo galeen maleeshiyaad taabacsan general Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com