Sidee lagu xaliyay khilaafkii dawlada Federaalka kala dhexeeyay Jabuuti?

Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeyb-galaya madasha aragti wadaagga arrimaha Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage ayaa soo hadal qaaday xiriirka Soomaaliya & Jabuuti oo uu dhowaan khilaaf soo kala dhex-galay.

Jamaal Maxamed ayaa meesha ka saaray in n khilaaf uu ka dhexeeyo labada dal Jabuuti iyo Soomaaliya oo walaalo iyo daris ah, wuxuuna qiray in xilligan uusan jirin wax khilaaf ah.

Wasiirka ayaa Tilmaamay in ay jiraan daldaloolo yar, balse  labada dowladood ay kaga wada-hadlayaan qaab diblomaasiyadeed, si loo dhammeeyo wixii dhexdooda ah.

Sidoo kale wasiir Jamaal oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in Jabuuti ay abaal weyn ku leedahay Soomaaliya, isla-markaana ay door ku leedahay dowlad dhiska Soomaaliya.

Hadalka wasiirka qorsheynta ayaa kusoobeegmaya , iyada oo maanta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu gaaray Jabuuti, isaga oo soo xiri doono aragti wadaagga Geeska Afrika ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Cilmi-Baarista Heritage.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com