Silvia Romano oo aayado Qur’aan ugu jawaabtay dadkii u hanjabay

Hadal-heynta warbaahinta dalka Talyaaniga waxaa qabsaday sheeko ku saabsan Silvia Romano oo boggeeda Facebook-ga kusoo qortay aayado quraan ah oo ay ku fasirtay luuqaddeeda.

Ficilkan ayaa u muuqda mid ay Romano ugu jawaabeyso dadka hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ugu jeedinaya baraha bulshada.

Silvia ayaa dhawaan dib ugu laabatay dalkeeda kaddib markii laga sii daayay afduub muddo labo sano ah loogu heystay Soomaaliya.

Muran hor leh ayey horseedday markii ay soo qortay aayadaha quraanka ah oo dadka ay fikrado badan oo kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay.

Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda Fusilat.

Shukri Siciid, oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Talyaaniga ayaa BBC-da u sheegtay in siyaabaha loo fasirtay ujeeddada Silvia ay ka mid tahay in laga shakisan yahay inay difaaceyso qolyihii afduubtay.

“Hadalkeeda macnihiisa anigu waxaan u fasirtay in maadaama dadka xagjiriinta lagu tilmaamo ee loo aaminsan yahay inay yihiin dad xun ay iyadu leedahay dadkaas aad cadowgaaga u aragtid ee aniga xorriyaddeyda iga qaaday waxaa dhici karta inay saaxiibbadaada dhow noqdaan, laakiin samir bay u baahan tahay.

Marka waxaad meeshaas ka dhuuxeysaa in iyada iyo nimankii heystay oo ay u afduub neyd ka gudbeen xadkii qof la heysto iyo qof wax heysta,” ayey tiri Shukri.

Wargeysyada kasoo baxa talyaaniga ayaa aad u falanqeynaya tallaabadan ugu dambeysay ee ay qaadday Silvia, xilli markii hore uu taagnaa muran xoog leh oo ka dhashay islaamnimadeeda.

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa dhawaan furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Kiiska ayaa ilaa hadda socda, waxayna gabdhan ay mar kasoo muuqatay maxkamadda kiiskeeda dhageysaneysa.

Naceybka Silvia loo muujinayay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxayna dad badan ku doodayeen in ay khalad ahayd sii deynteeda iyo dadaalkii ku baxayba.

Ciidammada sirddoonka Talyaaniga ayaa sheegay in soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Xigasho BBC