Tirada Dadka ku dhintay dhulgariirkii Turkiga oo sii korodhay

Kooxaha samata bixinta Turkiga, ayaa helay dad badan oo ka badbaaday dhulgariirkii ku dhuftay dalkaasi 12 maalmood ka hor.

Saddex qof ayaa laga soo saaray dhismo ku dumay magaalada Antakya Sabtidii, kuwaasoo mid kamid ah uu markii dambe ku dhintay isbitaalka.

Illaa iyo hadda, in ka badan 46,000 oo qof, ayaa ku dhintay musiibada ka dhacday dalalka Turkiga iyo Suuriya, waxaana la filayaa in dhimashadu ay sii korodho, iyadoo dad badan weli la la’yahay.

Tirada dadka laga helay burburka hoostooda oo nool, ayaa hoos u dhacay oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay gaaray.

Waxaa madaxa maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga, Yunus Sezer, uu sheegay in howlaha samata bixinta “la soo gabagabeyn doono” habeenka Axadda.

Sabtidii, Wakaaladda Wararka Anatolia ee Turkiga, ayaa ku dhawaaqday in saddex qof la helay iyagoo nool, 12 maalmood kaddib dhulgariirkii dhacay 6-dii Bishan February, waxaana lagu qiyaasay 7.8.

Sawirro ay soo gudbisay hay’adda Turkiga, ayaa muujinayey samata bixiyeyaal saaraya nin iyo naag bareelo ah, ka dib markii lammaanaha iyo ilmahooda ay 296 saacadood ku hoos jireen burburka magaalada Antakya ee koonfur bari Turkiga.

Hay’adda ayaa markii dambe sheegtay in saddex ka mid ah carruurta lamaanaha ay dhinteen, oo uu ku jiro wiil 12-jirka ah.

Wasiirka caafimaadka Turkiga, Fahrettin Koca, ayaa la wadaagay muuqaal hooyo 40 jir ah, oo ku jirta cisbitaal ku yaalla gudaha oo lagu daweynayo, iyadoo Twitter ku soo qortay: “Waa ay miyir qabtaa.”

Weriyeyaasha AFP, ayaa sheegay in samata bixiyeyaal ka yimid dalka Kyrgyzstan ay sii wadeen shaqada Antakya, iyagoo rajeynaya inay helaan dad badan oo nool, ka dib markii baaritaannada la sameeyey ay muujiyeen astaamo nololeed.

Jimcihii, kooxaha gurmadka, ayaa afar qof oo nool ka soo saaray burburka dhisme, oo ay ku jiraan nin 45 jir ah iyo wiil 14 jir ah, oo ku yaalla Gobolka Hatay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah ciyaartoyga heerka caalami ee dalka Ghana, Christian Atsu. Madaxweynaha Ghana, Nana Akufo-Addo, ayaa ku tilmaamay mid ka mid ah daljirayaasha ugu wanaagsan ee dhanka ciyaaraha.