Tirada dadka u dhintay Fayruska Corona oo ladiiwan geliyay.

Tirada kiisaka dhimashada xanuunka Fayrus-ka Corona ee guud ahaan dalka Shiinaha ayaa kor u kacday Arbacada maanta ah, siden ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalkaasi.

Kiisaska cusub ee lag helayo meelaha dibadda ka ah dhulka Shiinaha ayaa muujinaya side uu sare ugu sii kacayo faafitaanka Fayrus-ka Corona.

Inkastoo xanuunka uu gaaray dalal kala duwan oo caalamka ah, ayaa ha’yadda WHO ee caafimaadka ee adduunka waxay sheegtay in faafitaanka Fayrus-ka Corona uusan gaarin heerka masiibada.

Ugu yaraaan 490 qof oo Shiinees ah ayaa u dhintay Fayrus-ka Corona tan iyo bishii Desember ee sanadkii hore, xiligaas oo xanuunka uu ka billowday magaalada bartamaha Shiinaha ku taalla ee WUHAN ee gobolka Hubei.

Tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka ayaa gaartay 24.000 oo ruux, 150 kamid ah bukaannada ayaa laga diiwaan-galiyay 23 dal oo kale oo caalamka ah.

Xafiiska Wararka, Muqdisho 

Info@aragticusub.com