Waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye oo dib loo furay

Ku dhawaad Saddex Sano kadib waxaa Maanta dib loo furay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo uu dhismo ka socday.

Wadadaan oo dhismaheeda socday sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacay dhibaatooyin kala duwan oo ay kamid yihiin qaraxyo lala beegsaday Injineerada Turkiga iyo Shaqaalaha Soomaalida ah ee dhismaha ka waday wadada.

Maanta ayaa waxaa la arkayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, sida Gaadiidka dadweynaha iyo Mooto Bajaajta oo si caadi ah wadada uga Shaqeeysanaya.

Qaar kamid Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee Bii’elka iyo Mooto Bajaajta oo Risaala la hadlay ayaa aad u soo dhaweeyay furitaanka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyaga oo sheegay in ay doonayaan in waddooyinka kale loo furo.