Wafdi ka socda Dawlada Federaalka oo gaaray Garoowe

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka goboleedka  Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar).

Mahdi Maxamed Guuleed waxaa ku wehlinayay socdaalkiisa wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay mid yihiin wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Duube, wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa ka qayb galaya shirka maalinta beri ah ka furmaya magaalada Garowe iyadoo magaaladaasi ay isugu tageen madax kala duwan iyo siyaasiyiin   oo ay ku jiraan midowga Musharixiinta

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com