Wafdi ka socda Safaarada Turkiga ee Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Safiir kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya Ismail Emre Kosif, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Turkiga, Hay’ada bisha cas iyo howlwadeenada Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowlada Turkiga gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan iyadoo si hordhac ah ay hay’ada bisha cas ee turkiga raashin qeybin uga bilowday meelaha qaar.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Turkiga uga mahad celiyay jawaabta ilaa hada ay ka bixiyeen baaqii Dowlada Jubaland ay u dirtay bulshada Caalamka ee la xiriiray gurmadka abaaraha ka jira Jubaland

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com