Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 30 Ruux oo isugu jira, askar iyo dad Shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax Gaari loo adeegsaday oo lagu weeraray Gaadiid uu watay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Xilliga qaraxa lagu weerarayay Kolonyada Gaadiidka ee uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay marayeen wadada ka leexata Isgoyska Banaadir ee Aada Isbitaalka Madiina, isla markaana hormarta Xerada Ciidamada ee Villa Baydhabo, waxaana la sheegay in qaraxa lagu dhuftay Gaariga uu saarnaa Taliye Farxaan Qaroole,.kaas oo ahaa nooca aan xabada karin.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal kooban oo kasoo baxay waxaa lagu sheegay in taliyaha uu ka badnaaday, balse uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawwc ah oo ka dhashay.

Dadka qaraxa ku dhintay & kuwa ku dhaawacmay ayaa isugu jira qaar kamid ah ilaalada Taliyaha, dad wadada marayay oo qaarkood watay Mootooyin Bajaaj iyo dad Goobo Ganacsi ku leh hareeraha wadada u dhaxeeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Madiina.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu weeraray Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir, waxaana ay aheegeen in qaraxa ay ku dileen askar farabadan.

 

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com