Wararkii Ugu dambeeyay Kulan Magaalada Muqdisho uga socda Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubland

Xarunta Villa Soomaaliya waxaa ka socda kulan dhex maraya madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Horay ayey saddexdaan Mas,uul  ugu  ballansanaayeen kulan Nuucaan ah, balse wuu baaqday kadib markii ay Jubbaland keentay shuruud adag oo xalay is laga gaaray, waana tan keentay in la qabto kulanka.

Wararka laga Helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankaan uu yahay kulan kaliya logoa hadlaayo arrimaha doorashada iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta isla markaana la isla ogol yahay.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegayaa iney wadaan qorshe wajiyada dambe ee shirka loogu soo biirinaayo  madaxweynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Ilaa hadda lama oga qodobada muhiimka ay ay dhinacyadaasi isla wada garteen oo ay meel isla wada dhigeen marka laga soot ago in doorashada ka dhici doonta Soomaali ay ka wada hadleen iyo in waqtigeeda doorashada ay ku qabsoonto

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com