Wasiir ka tirsan dfs oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kursiga ugu horreeya doorashada Maanta.

Kursiga koowaad  ee Hop184 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Cabdi Cusmaan, balse waxaa ku tartamay Xasan Cabdinuur Cabdi iyo Maxamed Cabdulaahi Cali, waxaase ku guuleystay Xasan Cabdinuur Cabdi oo hadda ah Wasiirka Tamarta Dowladda Soomaaliya.

Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa helay codod gaaraya-72 cod halka musharaxii la tartamayay ee  Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod, waxana halaabayaba Cod.

Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana la guda galay doorashada kursiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee Maanta.