Wasiirka Amniga” Weli waxaa jira Ciidamo tiro yar oo ku howlan Afgembi”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in xalay ilaa saaka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu isku dayay in uu dalka ka sameeyo afgembi balse uu dhicisoobay.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in Ciidamo sigaar ah uga amar qaata Farmaajo uu ku weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha & qeyb kamid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada balsle nasiib wanaag tallaabadaas ay ka horyimaadeen qaar kamid ah ilaalada Madaxtooyada iyo qeybo kale oo kamid ah Ciidamada uu dhicisoobay.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay weli jiraan Ciidamo tiro yar oo ku howlan Afgembiga oo garan la’ in uu waaga ku baryay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo, wuxuuna ugu baaqay Ciidamada inay difaacaan dowladnimada ayna ilaaliyaan hantida Suacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ku lug laheyd Afgambiga dhicisoobay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com