Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Eedeeyay Xubno ka Tirsan Dawlad goboleedyada

Wasiirka Wasaarada warfaafinta ee  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ku dhaliilay Xubno ka Tirsan dowlad goboleedyada in ay mas,uul ka yihiin dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta oo ka qeyb galayay dood looga hadlayaydoorashooyinka Soomaaliya , ayaa ku Eedeeyay  qaar kamid ah dowlad goboleedyada in aysan soo buuxin  xubnihii guddiyada doorashada ee lagarabay .

warka ka soo baxay wasiirka warfaafinta ayaa kusoo Aadaya , Xilli  kowda december ay ku beegan tahay xilligii lagu heshiiyay in ay dhacdo doorashada Aqalka sare.

Maamulada Jubland iyo Puntland ayaanan soo magacaabin xubnihii doorashooyinka ee iyagu ku matali lahaa doorashooyinka

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com