Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Puntland oo Xildhibaan loo doortay

Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa ku soo baxay xildhibaan Golaha Shacab JFS, doorasho ka socota xerada 54’aad ee Garoowe.

Wuxuu heley 93 cod, deegaan-doorashadiisu waa Buuhoodle si aqlabiyad ah ayuu maanta ugu guuleestay dorashadii ka dhacday magaalada Garowe ee xarrunta u ah maamulka Puntland.

Rooble ayaa ka mid ahaa Shaqsiyaadka sida weyn ugu dhow Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni.

Doorashada ayaa wali ka socota Garowe  waxaa dhiman Saddex kursi maadaama la qorsheeyay Shan kursi maanta.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com