Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada AMISOM

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Burundi oo ka tirsan AMIISOM ku leeyihiin degaanka Bita-Cadde oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Burundi, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay ku dileen 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee AMISOM, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada AMISOM dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Biya-Cadde ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse maalmihii la woo dhaafay ay kordheen weerrarada Al-Shabaab iyo howlgallo ay sameeynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com