William Ruto oo ka hadlay safar laga joojiyay inuu ku tago Uganda

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, ayaa ka hadlay tallaabadii looga joojiyay safar uu doonayay inuu ku tago dalka Uganda.

Wareysi uu siiyay Idaacada Inooro FM ayuu ku sheegay in qorshahaasi ahaa mid siyasadeed waxana uu xusay in uu booqan jirey dalka Uganda isagoo aan fasax u qaadan.
“Safarkeygu waxa uu salka ku hayay in aan wax ka soo barto sanduuqa maalgeinta ee Uganda si waafaqsan ololihayga dhowaan ee ahaa in sare loogu qaado nolosha dadka dakhligoodu hoseeya ee ku nool Kenya iyo sido kale in la kobciyo guud ahaan dhaqaalaa Kenay.”ayuu yiri Ruto oo ka hadlayay ujeedka safarkiisa.

Markii la weydiiyay sababta uusan madaxweynuhu Uhuro uusan war uga hayn qorshaha socdaalkiisa, Ruto ayaa ku jawaabay ‘Ma hubtaa in madaxweynuhu uusan xogta safarkayga?’

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muddadii 9 -ka sano ahayd ee uu soo ahaa madaxweyne ku -xigeenka, aan marnaba la weydiin fasax la xiriira safaradii uu dibadda ku aaday, wuxuuna la yaabay sababta ay hadda arrintan u soo ifbaxday.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaan dib ugu ku raaxaysan xiriirkii walaaltinimo ee ay lahaayeen bilowgii 2013 kii oo ahayd markii ay qabteen hogaanka dalkani Kenya.

Xiriirkooda ayaa xumaaday ka dib markii ay ‘is -gacan qaadeen dhex hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta sannadkii 2018 -kii, kadib doorashadii ku celiska ahayd ee muranka dhalisay.

Tan iyo markaasina madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu u muuqday mid dhinac ka taagan waajibaadka rasmiga ah ee dalka.