Xiisad dagaal oo saaka ka taagan degaano ka tirsan Gobolka Sool

Waxaa saaka xiisad dagaal laga dareemayaa tuulada Finley oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame ee Gobolka Sool, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.
Dagaalkii shalay ayaa daba socday iska hor-imaad kooban oo ka dhacay miyiga Ballli-cad oo ku dhow Saax-maygaag halkaas oo ay ku dagaalameen laba Ciidan oo sahan ahaa, waxaana dagaalkaas ku geeriyooday hal Ruux.

Wararka saaka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labadii dhinac ee dagaalamay, kuwaas oo weli goobta lagu dagaalamay isku hor-fadhiya.
Dadka tuulada Finley oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame ayaa waxaa ay sheegeen inay dareemayaan cabsi ballaaran oo ku aadan in dushooda lagu dagaalamo.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu wado dadaalo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa dagaalka oo ah mid soo laab laabtay, waxaana la filayaa in Ciidamo la kala dhex-dhigo.