Xiisado ka Taagan Xuduuda Mandheera iyo Balad Xaawo

Xiisada colaadeed ee ka taagan soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo shaac baxday ka dib markii kadib markii ciidamada Jubaland ay gudaha u soo galeen xuduuda Kenya ay wadaagaan Soomaaliya.

Ciidamo keenyaan ah ayaa lagu arkayaa xuduuda labada dal kuwaas oo Gaadiid Dagaal wata.

Sidoo kale Ciidamada Jubuland ayaa la arkayay iyaga oo wata Gaadiidka Dagaalka islamarkaana dhex maraya  qeybo ka mid ah soohdinta  Kenya ee Mandheera kadib markii madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu soo saaray Talaabooyin looga hortagayo xiisada colaadeed ee ka Taagan Xuduuda.

Guddoomiyaha gobolka Mandhera Cali Robow ayaa shaaca ka qaaday Cabsi amni ay ka jirto xuduuda Mandheera iyo Balad Xaawo , wuxuuna ugu baaqay dowladda Kenya inay xaaladaan soo fara galiso islamarkaana ay ka hortagto dagaal markale ka dhaca Xuiduudka labada dal

Dagaalkii ka dhacay ka dhacay Xuduudka Mandheera iyo Balad Xaawo ayaa sababay khasaare kala duwan sidoo kalena ay keenay in ay ku barakacaan qaar ka mid ah dadkii degaana Mandheera iyo Balad Xaawo ayna xirmeen goobihiiwax barshada Degmada Mandheera

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com