Xildhibaan ka tirsan Somaliland oo dhagax lagu dhaawacay + sababta

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in saaka oo Arbaca ah si xun loogu dhaawacay magaaladaasi Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee maamulkaasi.

Xildhibaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawac culus, kadib markii uu ‘madaxa dhagax kaga dhuftay’ Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxda Dhaqanka ee maamulka Somaliland, kuna sugan gudaha magaalada Hargeysa.

Labada nin ayaa la sheegay inuu ka dhexeeyey dagaal dhinaca afka ah, iyaga oo horey eedo kulul isugu mariyey warbaahinta, kaas oo sababay gacan ka hadal-kooda.

Sawirro laga soo qaaday xildhibaanka, kadib dhacdada ayaa muujinaya isaga oo uu dhiig fara badan ka socda madaxa, kadibna loogu duubay shaatigiisa, iyadoo dad badan ku soo xoomeen goobta, kuwaas oo isla markiiba caawimaad deg-deg ah u fidiyey mas’uulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda caafimaada ee xildhibaanka lagula tacaalayo isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland oo ku aadan falka lagu dhaawacay xildhibaankaasi.

Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana ay keentay in si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada oo lagu baahiyey sawirrada xildhibaankaasi.