Xildhibaan Nuur Xaashi oo Caawa Lagu dilay Magaalada Jowhar

Wararka ka Imaanaya Magaalada Jowhar ee Xaruunta Dawlad goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaya in Caawa Halkaas lagu dilay Alle ha U Naxariistee Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka Tirsanaa Baarlamaanka Dawlad goboleedka Hirshabeele Islamarkaana ahaa Wasiiru Ku Xigeenka wasaarada  Diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Hirshabeele Waxaana lagu dilay Xaafada HorseedXilli uu ka soo baxay Masjid ku yaala Xaafadaasi oo uu Salaada Cisho uu ku soo Tukanayay

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa Waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan Maamulka Hirshabeele balse kooxdii dilka geysatay ayaa la sheegay in ay baxsadeen

Dhawaan ayay ahayd Markii Xaafada Kulmis ee Magaalada Jowhar lagu dilay Xildhibaan Cqaadir Karaani oo ahaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee maamulka Hirshabeele kooxihii dilka geystaynay ay baxsadeen

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com