Xildhibaano ka Tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo diiday Go,aankii Gudoomiyaha Aqalka Sare

Ku dhawaad 47 Xildhibaan oo ka Tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolada waqooyi, ayaa sheegay guddoomiyaha aqalka sare in uusan ku mutalin go.aanka diidmada ah  ee Guddiyada doorashooyinka dadban.

Xildhibaanadaasi  ayaa  soo saaray Warsaxaafadeed ay ku saxiixan yihiin, waxaana ay sheegeen  in ay taageersan yihiin guddiyada doorashooyinka, iyagoo caddeeyay habka loo maray dhismahooda inuu waafaqsan yahay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada.

Waxay kaloo nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin ujeeddooyin gaar ah xambaarsan ay Wado kaga dhiganayaan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com