Xisbiga shaqaalaha ee AP oo kulan la qaatay Soomaalida ku nool Oslo.

Oslo:- Xisbiga AP ayaa Soomaalida u soo bandhigay waxqabadka Afarta sano ee soo socota hadii doorashada ku guuleystaan kadib munaasabad ka dhacday Magaalada Oslo.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas,uliyiin ka tirsan xisbiga AP oo ay ka mid aheyd Faadumo Madar.

Waxaana ujeedada kulankaan aheyd sidii bulshada Soomaaliyeed ugu soo bandhigi lahaayeen waxbqabadkooda hadii doorashada socota ku guuleystaan.

Faadumo Madar oo Sanadkaan u sharaxan xilka xildhibaanimo ee baarlamaanka Norwey ayaa kulanka kadib warbaahinta aragticusub ayaa xustay in muhiimada Kulanka uu ahaa in Soomaalida la wadaagaan waxqabadkooda afarta sano ee soo socota sidoo kalena dhageysanayeen fikradaha Soomaalida.

Faadumo ayaa sidoo kale xustay in doorashada ka hor iyo kadib albaabkeeda iyo midka xisbiga u furan yahay Soomaalida iyada oo meesha ka saartay in musharaxiinta xisbiga la arko kaliya marka doorasho la gaaro.

Xisbiga AP ayaa ah mid sanadkan loo badinayo in uu ku guuleysan doono Doorashada baarlamaan ee  socota.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com