Maryan Abdi Hussein oo ka hadashay rajadeeda in ay ka mid noqoto Xildhibaanada Norwey.

Oslo:-Maryan Abdi Hussein oo ka tirsan Xisbiga SV oo wareysi gaar ah siisay warbaahinta Aragticusub ayaa ka hadashay rajadeeda ku aadan in ay ka mid noqoto xildhibaanada baarlamaanka Norwey.

Maryan ayaa tilmaamtay in rajadeeda aysan aheyd mid hoose balse u baahan tahay taageerada bulshada soomaaliyeed ee ku aadan in codkooda siiyaan.

Sidoo kale Maryan ayaa tilmaamtay in hadii xisbiga ay ka tirsan tahay SV ku guuleysto doorashada sameyn doonaan wax u qabashada dadka danyarta ah gaar ahaan in carruurta wax badan ka caawin doonaan.

Doorashada Baarlamaan ee Norwey ayaa hada ah mid gaba gabo ku dhaw isla markaana ka harsan wax ka yar 10-cisho isla markaana markaas kala cadaan doonto xisbiyada doorashada ku guuleysta.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com