Naciimo Caseyr oo ku baaqday in la doorto xisbiga Høyre.

Oslo:-Naciimo Caseyr oo ka tirsan Xisbiga Høyre oo la hadashay warbaahinta aragticusub ayaa ugu baaqday Soomaalida in codkooda siiyaan Xisbiga ay ka tirsan tahay.

Waxaa  ay tilmaamtay in xisbiga Høyre ee hogaaminayso Ra,isul wasaarasha wadanka iyo xisbiyada bahwadaagta yihiin wax badan qabteen mudaduu sideeda sano ee wadanka maamulayeen sida ay hadalka u dhigtay.

Naciimo oo hadalkeeda sii wadata ayaa ka codsatay Soomaalida in ay u codeeyaan Xisbiga Høyre si afarta sano ee soo socota talada wadanka u sii hayaan.

Xisbiga Høyre iyo xisbiyada xulufada la ah ayaa ahaa kuwo sideedii sano ee ugu dambeeysay hayay talada dalka waxaana sanadkaan doorashada socota culeys xoogan kala kulmayaan Xisbiyada dhanka Bidix ee Hogaaminayo Xisbiga AP.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com