Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Walaac ka muujiyay xilka qaadista Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  António Guterres ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil ka qaadistii uu golaha shacabka Soomaaliya Baarlamaanka  Soomaaliya ku sameeyey Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António Guterres, oo soo saaray warbixinta QM ee xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in xil ka qaadista deg dega ah ee Kheyre ay waxyeeleyn karto heshiisyadii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka walwalsan yahay inay waxyeeleyso howlgallada amni iyo kuwa siyaasadeed ee kala guurka ah ee socda, iyo sidoo kale isbedelladii amni iyo dhaqaale ee uu hoggaaminayey Kheyre.

“Waa muhiim in la dhowro heshiisyadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen Dhuusamareeb, iyo waqtiga kulamada xiga ee lagu ballamay, ayuu yiri.

António Guterres ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey inay muhiim tahay in doorashooyinka Soomaaliya ay noqdaan kuwa ay heshiis ku wada yihiin, dowladda dhexe, dowlad goboleedyada, baarlamanka, xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

“Hogaamiyayaasha federaalka iyo kuwa maamulk goboleedyada  waxaa dhammaantood ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay dalka isku hayaan, kuna hagaan isu-tanaasul siyaasadeed, ayuu yiri.

Waxa uu ugu dambeyn ku baaqay in heshiis deg deg ah la gaadho si doorashooyinka baarlamanka ay ugu dhacaan waqtigooda, oo ah bil ka hor dhammaadka muddo xileedka xildhibaanada iminka oo ah bisha December, taasi oo macnaheedu yahay in la qabto ka hor November.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com