Yemen oo laga masaafurinaayo Muhaajiriin Soomali ay ku jiraan

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay bilaabeen Hawlgal xoogan oo ay ku masaafurinayaan Muhaajiriinta Afrikaanka ee ku sugan Goballadda Koonfureed ee dalkaaasi, sababo la xiriira dadaal looga hortagayo Faafista Caabuqa COVID 19.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Yemen oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha e XINHUA inay Hawlgalkaasi looga dan leeyahay in Muhaajiriinta Afrikaanka laga wada saaro magaallooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Sarkaalkaasi waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Ammaanka soo qabteen tiro ka mid ah Muhaajiriinta Afrikaanka ee ku sugan Gobalka Shabwa ee K/bari ee dalkaasi, waxayna Ciiddanka bilaabeen diyaarinta qorshaha Muhaajirriintaasi lagu masaafurinayo.

Waxa uu intaasi ku daray in Ololaha tarxiilka lagu beegsan doono Kumanaan Muhaajiriin Afrikaan ah oo ku sugan magaallooyinka kale ee waa weyn ee dalkaasi.

Kumaanan Muhaajiriin Afrikaan oo badankooda ka soo kala jeeda Somalia, Ethiopia, Eritrea iyo kuwo kale ayaa ku sugan dalkaasi, iyadoo ay Muhaajiriinta Soomaalida badankooda haystaan Kaararka Aqoonsiga ee Qaxootinimo ee ay Hay’adda UNHCR bixisay, waxayna si xor ugu dhex noolaayeen dalkaasi, oo marnaba lagama soo tarxiilin dalkaasi tan iyo markii ay u qaxeen dalkaasi wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladnimo ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, ma kala cadda haddii ay Muhaajiriinta Soomaalida qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka haatan ka bilowday dalkaasi ee lagu masaafurinayo Muhaajiriinta Afrikaanka ee sida sharci-darradda ah ku jooga dalkaasi.

Waddanka Yemen waa dalka keliya ee Carbeed oo aan weli laga helin Caabuqa COVID 19.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com