2 Kursi oo maanta lagu doortay Kismaayo

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa maanta soo gaba gabeeyay  doorashada kuraasta deegaan doorashada koobaad ee magaalada Kismaayo, iyadoo maanta la qabtay doorashasa labba kursi oo kamid ah kuraasta 27 ah ee taalay Kismaayo.

Munaasabada soo gaba gabeeynta doorashada deegaan doorashada koobaad ee Kismaayo waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan Dowladda Jubaland iyo xubnaha guddigiyada FEIT iyo Guddiga Xalinta Qilaafadka heer Faderaal.

Sidoo kale ‘Guddiga doorashada heer Dowladd Gooboleed Jubaland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga #HOP133

Maxamed Xasan Aadan ayaa loo doortay Xildhibaanka ku fadhiyi doona Afarta sano ee soo socota kursiga sumaddiisu tahay #Hop133 ee Golaha Shacabka BFS, kadib markii uu tanaasulay Maxamuud Axamed Xasan oo la tartami lahaa,

Waxaana uu helay 101 Cod

Roodo Carab Cabdi ayaa ku guulaysatay kursiga tirsigiisu yahay #HOP219 iyadoo heshay codod gaadhaya 78 Cod halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartamaysay ay heshay 20 cod, waxaana xumaaday 3 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland