Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyay xaaaladda Amni ee dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni ee sii xumaaneyso xilligan.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku baaqay in Golaha wadatashiga Qaranb iyo guddiga doorashada ay qaadaan tillaabo degdeg ah lana doorto guddoonka Baarlamaanka labada Aqal.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in dib u dhaca doorashooyinka ay halis gelineyso dowladnimada Soomaaliya.