Garoowe, Puntland – Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa kulan muhiim ah la qaatay warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha magaalada Garoowe. Kulankan ayaa lagu xoojiyay wada-shaqeynta iyo isfahamka ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo saxaafadda, iyadoo la isla eegay doorka warbaahintu ku leedahay wacyigelinta bulshada iyo gudbinta xogta saxda ah.
Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf ayaa warbaahinta uga mahadceliyay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo ku booriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan gudbinta warar sugan oo dheellitiran. Agaasimaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro anshaxa saxaafadda iyo mas’uuliyadda ka saaran warbaahinta horumarinta nabadda iyo xasilloonida.
Warbaahinta ka qeybgalaysa kulanka ayaa soo dhoweeyay fursadda ay u heleen in si toos ah ula wadaagaan Agaasimaha, Ibraahim Maxamuud Yuusuf, aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku saabsan horumarinta xiriirka Golaha Wakiillada iyo warbaahinta.
Ugu dambeyn, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf ayaa ku adkeeyay in kulamada noocan oo kale ah la joogteeyo, si loo xoojiyo wada-shaqeynta Golaha Wakiillada Puntland iyo warbaahinta ka hawlgasha magaalada Garoowe, loona hubiyo in bulshada ay helaan warar hufan oo lagu kalsoonaan karo.


























